doorashooyinka ka dhacay somalia
Ujeedo: Bogaadin, dardaaran iyo duco ku aadan doorashooyinka ka dhacay Somalia
Taariikh: May 21, 2022, waafaqsan Shawal 20, 1443
الحمد لله والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين
Assalamu Calaykum ww
Annagoo ah hogaanka iyo culumada golaha Jamciyada Islamka ee Woqooyiga Ameerika (IANA) waxaan bogaadinaynaa soona dhawaynaynaa doorashooyinkii hogaanka baarlamaanka iyo madaxwaynaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Muqdisho Bishan May 2022 dhexdeeda.
Waxaan bogaadinaynaa qabsoomida doorashooyinka si nabad galyo ah oo uusan dhiig ku daadanin gacan ka hadalna ku jirin.
Waxaan u hambalyaynaynaa soona dhawaynaynaa doorashadii madaxwayne Xassan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxwaynaha 10aad ee jamhuuriyada Soomaaliya.
Waxaan kula dardaarmaynaa hogaanka cusub ee labada aqal iyo madax wayne Xassan Sheekh Maxamuud inay dalka ku hogaamiyaan diinta Allah (kitaabka Quranka ah iyo Sunnada Nabiga صلّى الله عليه وسلّم).
Sidoo kale inay xooga saaraan xoojinta nabadgalyada iyo soo afjarka kooxa hubaysan ee duulaanka ku ah diinta, dadka, iyo dalka. Waxaa kale oon ku boorrinaynaa inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan ilaalinta iyo horumarinta midnimada, ka miro dhalinta dib u heshiisiin soomaaliyeed oo ka madax banaan faragalin shisheeye, gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah, dhamaystirka iyo dib u dhiska hay’adihii dawlada, yagleelida, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka maamul xumada iyo musuqmaasuqa, iyo yaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqday.
Waxaan Allah uga baryaynaa madaxwaynaha, baarlamaanka, iyo dhammaan hogaanka dawlada Soomaaliya inuu Allah waafajiyo wax kasta oo dan u ah diinta, dadka, iyo dalka soomaaliyeed.
Wabillahi Tawfiiq.
Maamulka Jamciyada Islamka ee Woqooyiga Ameerika (IANA)
Leave a Reply